Feature stories

Feature stories

Warbixino Soomaali

Instagram photostream

Photo essays

Newsletters

 

Carruurta iskuullada Puntland oo la wareegey shirkii Wasaaradda si ay ugu dabaal-degaan Maalinta Carruurta Adduunka

UNICEF Somalia/2017
© UNICEF Somalia/2017/Usui
Shan ka mid ah carruurta dhigata dugsiyada degaanka ayaa la wareegey aqoon-is-weydaarsi ay lahayd Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland taas oo loogu dabaaldegayey Maalinta Carruurta Adduunka

Waxaa qortey Sayaka Usui, oo ah Khabiir Waxbarasho oo ka tirsan UNICEF Somalia

Garoowe, Puntland, Soomaaliya, 20 Nofembar 2017 – Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland ayaa maanta inta ay kuraasta dambe fariisteen waxaa ay carruur ka socotey dugsi degaanka ku yaalla ay ku wareejiyeen tababarkoodii aqoon-is-weydaarsiga ahaa si ay ugu dabaal-degaan Maalinta Carruurta Adduunka.

Nasteexa oo toban iyo afar jir ah ayaa qaadatey doorkii Agaasimaha Guud waxaana ay halkaas ka soo jeedisey khudbaddii furitaanka. Waxaa ay kulankaa oo uu joogeen Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cabdulqaadir iyo 28 Saraakiisha Waxbarashada Degmooyinka ah u sheegtey in u sinnaanshaha helidda waxbarasho tayo leh aaney ahayn keliya xuquuq aadami oo aasaasi ah oo hubineysa koboca ilmo kasta, ee ay sidoo kale tahay xoogga wada dhisidda qaran nabad ah oo waara.

Waxaa Nasteexa la socdey afar kale oo ay isku fasal yihiin oo dhigta dugsiga Darwiish ee ay taageerto UNICEF. Waxaa ka mid ahaa Bashiir oo halkaa ka tirey gabey ku saabsanaa Maalinta Carruurta Adduunka oo sanad kasta loo dabaaldego 20ka Nofembar. Maalintaa ayaa sidoo kale ah maalintii uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ansaxiyey Heshiiska Xuquuqaha Carruurta oo ah heshiis (ama ‘mucaahaddo’ caalami ah oo sharci ku dhisan oo aqoonsanaya xuquuqo gaar ah oo ay leeyihiin carruurta. Soomaaliya ayaa ansaxisey Heshiiska Xuquuqaha Carruurta sanadkii 2015kii – waxaana ay noqotey dalkii 196aad ee sidaa yeela. 

UNICEF Somalia/2017/Usui
© UNICEF Somalia/2017/Usui
Nasteexa oo afar iyo toban jir ah oo ka hadleysa xuquuqaha carruurta intii ay socotey la-wareegiddii carruurta ay lla wareegteen tababar ay lahayd Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland si ay ugu dabaaldegaan Maalinta Carruurta Adduunka

‘Aad bey muhiim u tahay in sanad kasta aan u dabaaldegno 20ka Nofembar si aan dhammaanteen isu xusuusinno xuquuqaha carruurta, iyo sidoo kale taariikhda raad-raaca u ah iyo sida looga dabaaldegey guud ahaan dunida,” ayaa uu yiri Bashiir.

Sanadkan, si ay ugu dabaaldegaan Maalinta Carruurta Adduunka, dhammaan carruurta ku dhaqan guud ahaan dunida waxaa lagu dhiirrigeliyey in ay la wareegaan doorar muhiim ah oo ka mid ah warbaahinta, siyaasadda, ganacsiga, isboortiga iyo madadaallada si ay codkooda ugu taageeraan malaayiinta iyaga la mid ah ee aan helin xuquuqahooda. Carruurta, Agaasimaha Guud iyo Saraakiisha Waxbarshada Degmooyinku waxaa ay wada fiirsadeen fiidiyo ku saabsanaa Heshiiska Xuquuqaha Carruurta oo uu ka dambeeyey munaaqasho laga yeeshey xaaladda xuquuqaha carruurta joogta Puntland.

Dadkii waaweynaa ayaa iyagana ku biiriyey iyada oo Mursal Saciid, oo ah Sarkaalka Waxbarashada Degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag, oo halkaa ka tiriyey gabey gole ka fuul ah oo uu kaga hadlayey arrinta oo taabteyna qaybo waaweyn oo ka mid ah xuquuqaha carruurta. 

Read in English

 

 
Search:

 Email this article

unite for children