Feature stories

Feature stories

Warbixino Soomaali

Instagram photostream

Photo essays

Newsletters

 

Caruur Soomaaliyeed oo ka-qaybqaatey Casharka Ugu Ballaaran Dunida oo dhan ee ku saabsanaa Yoolalka QM

UNSustainable Development Goals
UN Sustainable Development Goals

Hargeysa, Somaliland 1da Oktoobar: Carruur dhigata dugsiyada Somaliland ayaa ka mid noqdey kumanaan arday ah oo guud ahaan dunida ka kala socda oo ka-qaybqaatey Casharka Ugu Ballaaran Dunida oo dhan oo lagu baranayey Yoolalka Horumarka La Joogteyn Karo ee Qaramada Midoobey ee cusub.

Casharka ugu Ballaaran Dunida waa mashruuc waxbarasho oo la iska kaashado, oo ay taageerto UNICEF, oo carruurta ay wax kaga baranayaan 17ka Yool ee Horumarka La Joogteyn Karo / Sustainable Development Goals (SDGs), ee uu Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobey ku ansaxiyey magaalada New York 24kii Sebtembar 2015ka, kuwaas oo higsanaya baabi’inta saboolnimada, la dagaallanka sinnaan la’aanta iyo caddaalad-darrada iyo in la saxo is-beddelka cimilada. Qabanqaabiyeyaasha ayaa aaminsan in haddii si baahsan dadka loo baro yoolalka SDG ay taasi ka qaybqaadaneyso sidii loo xaqiijin lahaa yoolalkaa wixii loo gaaro 2030ka.

“Yoolalka SDG waa kuwo hami weynaan ku jirto – laakiin haddii ay taageeraan dhammaan Soomaalida waxaa ay noqon karaan kuwo dhab ahaan la xaqiijiyo,” ayaa uu yiri Steben Lauwerier oo ah Wakiilka UNICEF Somalia. “Carruurta iyo dhallinta Soomaaliyeed ayaa ah furaha – waa mustaqbalka waxaana haddii aan la shaqeyno xaqiijin karnaa horumar weyn.”

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa u qabanqaabisey carruurta lix dugsi in ay ka-qaybqaataan Casharka Ugu Ballaaran Dunida. Carruurta ayaa bartey mid ka mid ah casharrada sida gaarka ah loo soo diyaariyey – oo ku saabsanaa nabadda – kaas oo Af-Soomaali loogu tarjumey taageero ay bixisey UNICEF. Filim sawirro dhaqdhaqaaqa (kartoon) leh oo ku saabsan yoolalka SDG, oo sidoo kale loo tarjumey Af-Soomaali, ayaa sidoo kale la tusay qaar ka mid ah carruurta.

Waxaa la filayaa in toddobaadkaa gudihiisa ay carruur ku kala nool boqol dal ay ka-qaybqaataan cashar ku saabsan yoolalka SDG oo beddelaya Yoolalka Horumarka ee Kun-sanadka.

 

Download the lesson on The Power of Peace for the World's Largest Lesson (Somali) [PDF]

Read and watch in English >>

 

 
Search:

 Email this article

unite for children