UNICEF Somalia - Media centre - War-saxaafadeedyada

Media centre

Press releases

War-saxaafadeedyada

News notes

UNICEF in the media

UNICEF Somalia Newsletter

Social media

 

War-saxaafadeedyada

Soomaaliya: Midowga Yurub oo lacag ku biiriyey maaliyaddii uu siiyey UNICEF si uu u caawiyo carruurta ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada
Muqdisho, 17ka Luuliyo 2018 – Midowga Yurub ayaa 5 milyan oo Euro oo dheeri ah ku biirinaya taageerada bani’aadamnimada ee uu siiyo hawsha UNICEF ee carruurta ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyinka hadda ka socda Soomaaliya ku siineyso adeegyo caafimaad..

Japan ayaa $3 milyan oo doolarka Mareykan ah bixisey si carruurta Soomaaliya ee ay abaartey saameysey u ahaadaan kuwo caafimaad qaba, iskuullo dhigta oo lana ilaaliyo
MUQDISHO, 17 Abriil 2018 – Dowladda Japan ayaa maaliyad deeqsinimo ay ka muuqato siineysa UNICEF si ay carruurta ugu taageerto tas-hiilaad fayadhowr oo ku habboon oo ay ku helaan iskuullada, in lagu hayo goobaha waxbarashada iyo in haweenka....

Midowga Yurub ayaa bixiyey €3 milyan oo euro isaga oo sii wada taageeradiisii muhiimka ahayd ee uu siinayey haweenka iyo carruurta ay saameysey abaarta dabadheer ee Soomaaliya
MUQDISHO, 4ta Abriil 2018 – Midowga Yurub, oo u soo marinaya waaxda Ilaalinta Madaniga iyo Gargaarka Bani’aadamnimada ee Guddiga Reer-Yurub, ayaa €3 milyan oo euro siiyey hawlaha bani’aadamnimada ee UNICEF ay siineyso carruurta iyo haweenka....

Puntland ayaa horey u qaaddey tallaabo weyn oo dhinaca qorsheynta horumarka joogtada ah iyada oo daaha laga rogey Qorsheyaasha Horumarinta ee Sagaal Degmo
Garoowe, 19ka Maarso 2018 - Sagaal degmo oo ka tirsan Puntland ayaa munaasabad ka dhacdey magaalada Garoowe ku daah-rogey qorsheyaal taariikhi ah oo dhigaya arrimaha horumarka ee mudnaanta leh shanta sano ee soo socda, kuwaas oo uu taageerayey ....

Olole tallaalka jadeecada ah oo aad u ballaaran oo laga fulinayo dalka ay abaartu ku dhufatey ee Soomaaliya ayaa higsanaya in uu carruurta ka difaaco cudurka oo uu noloshooda badbaadiyo
Muqdisho, 12da Maarso 2018 – Olole laga fulinayo guud ahaan dalka ayaa ka socda Soomaaliya si carruur malaayiin ah looga ilaaliyo raadadka loo dhiman karo ee ay jadeecadu dad ku reebto. WHO, UNICEF, maamullada caafimaadka ee heer qaran iyo heer degaan...

Dowladda Jarmalka ayaa €50 ku taageertey xoojinta adkeysiga ee dadka deggan koonfurta Soomaaliya
MUQDISHO 7 Maarso 2018 – Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Federaalka ah ee Jarmalka (BMZ) ayaa lacag €50 milyan Euro ah u ballanqaaddey barnaamij ay wadajir u fulinayaan Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Cuntada Adduunka (WFP)..

Soomaaliya oo olole tallaalka cudurka dabeysha ah ka bilowdey gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe
Muqdisho, Soomaaliya, 10 Disembar 2017 – Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay taageerayaan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo UNICEF ayaa maanta daaha ka rogey olole tallaalka cudurka dabeysha ee afka laga qaato....

UNICEF iyo Save the Children oo ku baaqey in la qaado tallaabo lagu caawinayo carruurta ay saameysey dhibaatadii ka dhalatey degsiimooyinkii barokacayaasha badan laga kiciyey ee Muqdisho
MUQDISHO, 11 Jannaayo 2018 – Burburintii kediska ahayd ee dhowaan lagu sameeyey dhowr degsiimo aan rasmi ahayn oo ku yaalley daafaha Muqdisho, taas oo ay la socotey in si khasab ah looga kiciyey qoysaskii halkaa degganaa, ayaa saameyn aad u badan....

Japan oo 3 milyan oo Doolarka Mareykanka ah ugu deeqdey gurmadka degdegga ah ee ay UNICEF wax kaga qabaneyso abaarta dabadheeraatey ee Soomaaliya
MUQDISHO, 23 Nofembar 2017 – Dowladda Japan ayaa maaliyad ay deeqsinimo ka muuqato ku biirisey Deeq Gargaarka Degdegga ah, si ay taageerto hawsha UNICEF ee socota ee lagu badbaadinayo nolosha haweenka iyo carruurta ay saameysey abaarta xooggan....

Shiinaha oo 2 milyan oo Doolarka Mareykanka ah ku biiriyey hawsha bani’aadamnimada ee UNICEF ay ka waddo Soomaaliya
21 Nofembar 2017 – Iyada oo abaarta dhibaatada culus ku haysa Soomaaliya aaney muuqan inay dhammaaneyso, ayaa hawsha naf-badbaadinta ee ay UNICEF ugu adeegeyso haweenka iyo carruurta ay qaaraan ku xoojisey Dowladda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo daaha ka rogtey geeddi-socodkii qorista Hindise Sharciyeedkeeda Xuquuqaha Carruurta
MUQDISHO 16 Nofembar 2017 – Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay hore u qaaddey tallaabo weyn oo la xiriirta xoojinta xuquuqaha carruurta iyada oo daah-rogtey geeddi-socodkii....

Global Partnership for Education oo $5.6 milyan oo doolarka Mareykanka ah ugu deeqdey waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta ku nool Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Garoowe, Puntland, Soomaaliya, 23 Oktoobar 2017 – Global Partnership for Education/Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE) waxaa uu ku faraxsan yahay in uu ku dhawaaqo in deeq $5.6 milyan oo Doolarka Mareykanka ah la siinayo Puntland.

UNICEF oo musqulo ku wareejisey kumanaan qof oo ah dad nugul oo ku nool xero barakacayaal oo ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya
Garoowe, Puntland, Soomaaliya, 25 Sebtembar 2017 – UNICEF ayaa fayadhowr ay bedqab iyo sharaf ku dheehan yihiin siisey 3,600 qof oo ku nool xerada Jawle ee dadka gudaha ku barokacay ee ku taal Puntland, waqooyi-bari Soomaaliya.

UNICEF iyo maamulka Puntland oo daah-furey ballaarinta dhuun biyaha lagu gaarsiinayo kumanaan qof
Boosaaso, Puntland, Soomaaliya, 18 Sebtembar 2017 – Iskaashi wada-hawlgal oo u dhexeeya UNICEF, maamulka Puntland iyo la-hawlgalayaal ayaa markii ugu horreysey dhuumo biyo wada gaarsiinaya kumanaan qof oo ku nool magaalada Boosaaso.

Dowladda Jarmalka ayaa 23 milyan Euro ku biirisey xoojinta nidaamyada caafimaadka ee waqooyiga-bari ee Soomaaliya
Garoowe, Puntland, 30 Agoosto 2017 – Dad ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool Puntland, waqooyiga-bari ee Soomaaliya, ayaa ka faa’iideysan doona adeegyada caafimaad ee lagu sii wanaajiyey taageero deeqsnimo ay ku dheehan tahay oo laga heley iskaashiga....

Fursadaha Dhallinyarada Soomaaliyeed waysii kordhayaan maadaama Jaamacaddii Umadda Somaaliyeed dib u heshay xarunteedii guud
Mogadishu 12 July 2017 – UNICEF waxa ay soo dhaweeysay in xaruntii weynayd ee Jaamacadda Umadda lagu wareejiyay Dawladda Federaalka maadaama ay tahay tallaabo muhiim ah oo sare loogu qaadayo fursadaha dhallinyarada Soomaaliya kunool.

Midowga Yurub iyo UNICEF oo wadajir ula dagaallamaya daacuunka ka jira Soomaaliya
Brussels/Muqdisho, 28 Juunyo 2017 – Dadaal bani’aadamnimo oo degdeg ah oo ay wadaan Midowga Yurub iyo UNICEF ayaa taageeri doona 602,000 qof oo ku nool Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin ilaa 301,000 carruur ah iyo 156,500 haween ah, oo ku dhaqan ....

Maaliyad waqtigii loo baahnaa laga heley Sweden oo gacan ka geysatey wax ka qabashada shuban-biyood/daacuun aad ugu badnaa carruurta Soomaaliya ee abaartu ay halakeysey
MUQDISHO, 5 Juunyo 2017 – Hawsha naf-badbaadinta ah ee ay UNICEF ku taageereyso haweenka iyo carruurta ay la soo gudboonaatey xaaladda degdegga ah ee abaarta Soomaaliya ayaa taageero xoojin ah ka heshey Dowladda Sweden oo bixisey qaaraan ay deeqsinimo....

Hawlihii gurmadka abaarta ee UNICEF ayaa £20 milyan oo Gini ka heley Dalka UK (Ingiriiska)
Nairobi/Muqdisho, 2 Juunyo 2017 – Qaaraankii deeqsinimadu ay ku dheehneyd ee ahaa £20 milyan ee Gini ee laga heley Dalka Ingiriiska ayaa raad mug leh ku yeeshey nolosha haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed ee dhexda u galey abaarta dabadheeraatey...

Saadaashii tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay nafaqo-xumo ba’an ay haysato ayaa kor u kacdey ilaa 50 boqolkiiba
GENEVA/NAIROBI, 2da Maajo 2017 – Saadaashii tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay hayso ama ay ku dhici doonto nafaqo-xumo ba’an ayaa kor u kacdey 50 boqolkiiba tan iyo bilowgii sanadka oo gaarteynta 1.4 milyan.

Soomaaliya oo ay abaar ku dhufatey, ayaa carruurta waxaa sidoo kale soo wajahay cudurka loo dhinto ee jadeecada
BAYDHABO, SOOMAALIYA, 25 Abriil 2017 – Ku dhowaad 30,000 carruur da’ yar ah, oo qaar badan oo ka mid ah ay soo barokicisey abaar ba’an, ayaa toddobaadkan cudurka dabeysha looga tallaalayaa olole degdeg ah oo ka socda Baydhabo....

Iyada oo ay macaluul soo wajahan tahay, ayaa ay aad kor ugu kaceen nafaqo-xumada iyo cudurrada haleeley carruurta Soomaaliyeed
MUQDISHO/NAIROBI/GENEVA/NEW YORK, 30ka Maarso 2017 – Iyada oo humaagga naxdinta leh ee macluushu uu mar kale dul heehaabayo Soomaaliya, ayaa tirooyin hordhac ah ay muujinayaan in ay korodhey tirada carruurta qaba nafaqo-xumo aad u ba’an iyo daacuun ama...

Deeq ay Japan ku taageertey hawsha UNICEF ee muhiimka ah ee ilaalinta haweenka iyo carruurta nugul
20 Febraayo 2017 – Dowladda Japan ayaa bixisey maaliyad cusub oo ay ku taageereyso hawsha UNICEF ee ilaalinta haweenka iyo carruurta nugul ee Soomaaliya.

Adduunku Waa in uu Hadda Qaadaa Tallaabo Lagu Badbaadinaya Nolosha Dadka Soomaaliya, Hay’adaha Qm Ayaa Digniintaas Bixiyey
17 Febraayo 2017 – Iyada oo abaar ba’an ay faro kulul ku hayso Soomaaliya, ayaa UNICEF iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) ay ka digayaan in haddii si weyn oo degdeg ah kor loogu qaado gargaarka bani’aadamnimada oo keliya...

Taageero maaliyadeed oo laga heley Dowladda Jarmalka oo la soo mariyey Bankiga Horumarinta ee KfW ayaa UNICEF iyo lahawlgalayaasheeda awood u siiyey in ay daryeel caafimaad siiyaan hal milyan qof oo Soomaali ah
20 Disembar 2016 – Bankiga Horumarinta ee Jarmalka (KfW) oo ka wakiil ah Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqey deeq 23,550 Yuuro ah oo daryeel caafimaad lagu siinayo dad hal milyan oo qof ah oo ku nool Puntland oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Olole ballaaran oo tallaalka jadeecada ah ayaa ka socda koonfurta Soomaaliya
16 Disembar 2016 - UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku taamaya in ay tallaalaan 54,000 oo carruur 10 sano jir ka yar oo ku nool Kismaayo, koonfurta Soomaaliya ka dib markii ay jadeeco xun halkaas ka dillaacdey.

Maalinta Adduunka ee Musqulaha/Suuliyada, 14 tuulooyin Soomaaliyeed ah ayaa lagu amaaney in ay joojiyeen in bannaanka lagu xaajo guto
19 Nofembar 2016: Laba iyo toban tuulo oo ku yaalla Somaliland iyo laba ka tirsan Puntland ayaa si rasmi ah loo aqoonsadey ka dib markii ay hubiyeen in qof kasta oo ka mid ah bulshada uu hadda isticmaalo suuli taas oo keentey in la joojiyo in lagu....

Kumanaan carruur ayaa ku barakacay dugsiyada na ka maqan dagaalka Galkacyo awgeed
15 Nofembar 2016 - Dad tiradoodu ay ka badan tahay 90,000 qof, oo ay ka mid yihiin ugu yaraan 20,000 carruur ah oo dugsiyo dhigayey, ayaa ku barokacay dagaalka u dhexeeya kooxaha magaalada Galkacyo ee Bartamaha Soomaaliya, kaas oo bilowdey bil ka hor.

Lafagurista Xaaladda Carruurta – Baaq ku aaddan in laga shaqeeyo xaqiijinta xuquuqaha dhammaan carruurta Soomaaliyeed
1 Agoosto 2016 – UNICEF, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, deeq-bixiyeyaal iyo wada-hawlgalayaal, ayaa maanta daaha ka rogtey warbixinta Lafagurista Xaaladda Carruurta ee Soomaaliya 2016 / Situation Analysis of Children in Somalia.

UNICEF ayaa ku baaqeysa in la ixtiraamo xuquuqaha dhammaan carruurta Soomaaliyeed ka-dib ansaxintii Heshiiska Xuquuqaha Carruurta ee 2015kii
28 Juunyo 2016 – UNICEF ayaa ku baaqdey in hawsha lagu hirgelinayo xuquuqaha aadanaha ee dhammaan carruurta Soomaaliyeed la siiyo mudnaan ka dib markii ay Soomaaliya sanadkii la soo dhaafey ansaxisey Heshiiska Xuquuqaha Carruurta.

Japan oo bixineysa maaliyad ay ku caawineyso 100,000 haween, carruur iyo dhallinyaro nugul/beylahsan ah
13 Abriil 2016 – Iyada oo si joogto ah ay u kordhayaan wararka sheegaya kufsi iyo noocyo kale oo ah Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga / Gender-based Violence (GBV) ee ka dhaca Soomaaliya, ...

UNICEF iyo Midowga Yurub (EU)
19 Jannaayo 2016 – UNICEF Somalia iyo Midowga Yurub (EU) ayaa ka wada-shaqeynayey sidii 34,000 haween Soomaaliyeed ah ay awood ugu siin lahaayeen in ay ku dhalaan xarumo caafimaad oo qalabeysan oo nadiif ah iyaga oo taageera ka helaya xirfadlayaal ....

Carruurta Soomaaliyeed oo tallaal cusub looga difaacayo cudur loo dhinto
16 Nofembar 2015 – Maamullada Soomaalida ayaa daaha ka rogey tallaal cusub oo looga hortagayo cudurka dabeysha oo looga danleeyahay in lagu hubiyo in cudurka dabeysha aanu dib ugu soo noqon dalka – toban iyo shan bilood ka dib markii qofkii ugu ...

Cudurkii dabeysha ee ka dillaacay Soomaaliya oo rasmi ahaan dhammaadey
21ka Oktoobar 2015: Cudurkii dabeysha ee 2013-2014 ka dillaacay Soomaaliya ee asiibey ku dhowaad 200 qof, oo badidoodu ahaayeen carruur, ayaa si rasmi ah loo sheegey in uu dhammaadey ka dib 14 bilood markii ay ka soo wareegatey markii ugu dambeysey....

Caruur Soomaaliyeed oo ka-qaybqaatey Casharka Ugu Ballaaran Dunida oo dhan ee ku saabsanaa Yoolalka QM
1da Oktoobar 2015 - Carruur dhigata dugsiyada Somaliland ayaa ka mid noqdey kumanaan arday ah oo guud ahaan dunida ka kala socda oo ka-qaybqaatey Casharka Ugu Ballaaran Dunida oo dhan oo lagu baranayey Yoolalka Horumarka La Joogteyn Karo ...

UNICEF iyo Midowga Yurub ayaa ka wada shaqeynaya joojinta askar ka dhigashada carruurta Soomaaliyeed
17 Sebtembar 2015 – UNICEF Somalia ayaa horumar muhiim ah ka xaqiijisey hawsheeda ku aaddan in carruurta laga ilaaliyo in ay askar ka dhigtaan kooxaha hubeysan – iyo in ay caawiso kuwa horeyba loo askareeyey – waxaana taas suuragelisey maaliyad $1 milyan.

Midowga Yurub oo hawsha nolol-badbaadinta ee UNICEF ay ka waddo Soomaaliya ku taageerey €2.5 milyan
5 Agoosto 2015 – Midowga Yurub ayaa UNICEF ku taageerey €2.5 milyan oo maaliyad bani’aadamnimo ah si ay ugu bixiso waxqabadyadyo nafaha lagu badbaadiyo oo dhinaca nafaqeynta iyo biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ah oo la gaarsiiyo carruurta Soomaaliyeed.

Dhalinyaradu waa jilayaal muhiim u ah soo afjaridda guurka carruurta ee Afrika, ayay sheegtay UNICEF
16 Juunyo 2015 – Guurka carruurta ayaa wali ah shiddo iyo dhibaato ay dhab ahaantii haysata malaayiin gabdhood oo ku dhaqan guud ahaan Afrika, taas oo u diidaysa xaqa ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan nolol caafimaad qab leh oo lagu qanacsan yahay

Hadal uu Anthony Lake, Agaasimaha Fulinta ee UNICEF , ka soo saarey weerar ka dhacay Garoowe, Soomaaliya
20 ABRIIL 2015 - “Weerarkii naxdinta lahaa ee maanta lagu qaadey saaxiibada UNICEF aan ka wada shaqeyo ee ka dhacay waqooyiga Soomaaliya ma ahan weerar lagu qaadey iyaga oo keliya ee sidoo kale waa mid lagu qaadey dadka ay u adeegayeen.

Soomaaliya laguma arkin cudurka dabeysha muddo lix bilood ah laakiin QM ayaa sheegeysa in loo baahan yahay in ay sii socdaan ololayaasha tallaalka maaddaama ay weli halistu jirto
19ka Febraayo 2015: Lix bilood ayaa ka soo wareegatey markii ugu dambeysey ee Soomaaliya lagu arkey qof cudurka dabeysha uu ku dhacay ka dib markii uu ka dillaacay halkaa uuna ku dhacay 199 qof, oo carruur u badan.

Dowladda Soomaaliya oo Ansaxisey Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha Carruurta
20ka Jannaayo 2015 – Iyada oo ay dunidu geleyso sanadkii 26aad ee Heshiiska Xuquuqaha Carruurta, ayaa Soomaaliya ay noqotey dalkii 195aad ee qaybta ka ah ee ansaxiya Heshiiska,....

06-05-14: Xirmada Aasaasiga ah ee Adeegyada Caafimaadka oo laga bilaabey Soomaaliya si loo wanaajiyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
[PDF]
(PDF documents require Acrobat Reader to view.)

23-05-13: Lix sano ka dib markii ugu dambeysey ee lagu arkey dalka, ayaa la xaqiijiyey in cudurka dabeysha uu ka dillaacay Soomaaliya
[PDF]
(PDF documents require Acrobat Reader to view.)

30-08-12: Japan oo ku yaboohdey in ay cusbooneysiineyso taageerada ay ku bixiso in dhallinyarada Soomaalida ah ee dembiilayaasha ah iyo kuwa halista ugu jira si dib loo soo dhexgeliyo bulshooyinka
[PDF]
(PDF documents require Acrobat Reader to view.)

1-09-10: War Saxaaadeed - Barnaamij Midowga Yurub Maalgeliyo oo Taageera Waxbarashada Soomaaliya oo la bilaabey
[Word]

31-07-10: War Saxaaadeed - Bulshada Soomaaliyeed oo lagu dhiirigeliyey in ay kor u qaadaan naasnuujinta
[Word]

7-05-10: UNICEF oo taageertey sameynta nidaam cusub oo biyo siinaya magaalada Marka oo ku taalla Bartamaha Soomaaliya
[Word]

23-11-09: UNICEF waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka ay Dowladda Federalka Ku-meel-gaarka ah ku ansaxineyso Heshiiska Xuquuqaha Carruurta
[Word]

11-11-09: Markii ugu horreysey ayaa Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta la Gaarsiiyey Bulshooyinka Barokacay ee Afgooye, Koonfurta Soomaaliya
[Word]

31-7-09: UNICEF ayaa sheegtey in naas-nuujinta baraxtiran ee ilmaha Soomaaliyeed ay badbaadin karto kumanaan nafood sanad kasta
[Word]

21-05-09: UNICEF waxa ay cambaareyneysaa bililiqaysi loo geystay agabkii naf-badbaadinta ee arimaha bani’aadamnimada ee ka dhacdey Jowhar
[Word]

24-04-09: Hoos u dhac ku yimid cudurka Duumada Soomaaliya iyada oo UNICEF ay kor u qaadeyso qaybinta marokaneecada
[Word]

17-04-09: UNICEF waxa ay codsaneysaa maaliyad degdeg ah oo lagu maalgeliyo barnaamijyaada xaaladaha degdegga ah ee lagu gargaarayo carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed
[Word]

22-03-09: Carruurta Soomaaliyeed oo waxa farax geliya ay yar yihiin waqti uu adduunku u dabbaal-degayo Maalinta Biyaha
[Word]

 

 
Search:

 Email this article

unite for children